War Deg Deg ah Cabdicasiis Lafta Gareen oo Ku Amrey Xildhibaanada Kasoo Jeeda Koonfur Galbeed Inay Berito Yimaadaan Hotel Doorbin

0
67

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen ayaa xildhibaannada ka tirsan baarlmaanka federaalka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed isugu yeeray kulan ka dhacaya hotel-ka Dorphin ee magaalada Muqdisho maalinta berito.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay in Laftagareen uu doonayo inuu xildhibaannada cadaadis ku saaro sidii ay ku ansixin lahaayeen Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdicaziiz Laftagareen ayaa horey ugu hanjabay xildhibaannada kasoo jeeda Koonfurgalbeed ee ka tirsan baarlamanka federaalka, isagoo xilligaasi sheegay inaysan soo noqon doonin kuwa aanan isaga amarradiisa fulinin, taasoo ka dhigin in xubnaha baarlamaanka federaalka ee Koonfur Galbeed aysan kahor imaan karin wax walba oo uu rabo Laftagareen xitaa haddey ka hor imaanayaan danaha reer Koonfur Galbeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Daafeet Media u sheegay inay jiraan xildhibaanno faro ku tiris ah oo laga yaabo inay ka horyimaadaan amarrada Laftagareen. Waxaase nasiib darro ah in xubnihii baarlamanka federaalka u matalayay Koonfur Galbeed uu Cabdicaziiz Laftagareen rabo inay noqdaan kuwa isaga jeebka ugu jiro oo ay u fuliyaan waxyaabaha isaga loosoo meeriyo oo badankood ka dhan ah danaha dadka Koonfur Galbeed.

Cabdicaziz Laftagareen ayaa la sheegayaa in haddii ay amaradiisa fuliyaan xubanaha baarlamanka federaalka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed uu u ballan qaaday inay soo noqon doonaan doorasha xubnaha baarlamanka ee 2020-2021. Laakiin waxaa is waydiin mudan sidee lagu aamini karaa Cabdicaziiz Laftagareen oo horey ugu baxay ballamo ay kamid yihiin u caddaalad falka dadka Koonfur Galbeed iyo soo deynta Mukhtaar Roobow oo si xaq darro ah u xiran in muddo ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhursugayaa in xubnaha baarlamanka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay dib u xasuustaan danaha dadka reer Koonfur Galbeed iyo inay noqdaan kuwa Laftagareen ka caawiya dhibaatooyinka uu ku hayo reer Koonfur Galbeed.