Golaha Amaanka oo Maanta Kulan Ka Yeelan Doona Arimaha Dalka Somaliya

0
62

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta oo Khamiis ah in kulan aan caadi aheyn ay ka yeeshaan xaalada dalka Soomaaliya, iyada oo lagu guda jiro xilli kala-guur ah.

Fadhiga Maanta Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalmo ka hor lagu wargeliyay Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya, waxaana kulanka looga hadlayaa arrimo ay kamid yihiin xaalada Amni ee Soomaaliya & doorashooyinka.

Diplumaasiyiin ka qeyb-geli doona fahdiga Golaha Ammaanka ayaa waxaa ay sheegeen in kulankaan siweyn loo falan qeyn doono Arrimaha doorashada Soomaaliya oo weli aan go’aan rasmi ah laga gaarin, xilli muddo xileedka Madaxda Dowladda Federaalka uu geba-gabo yahay.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan ayaa warbixin u jeedin doona xubnaha golaha, isaga oo siwyen uga hadli doono xaalada siyaasadeed ee xilligaan dalka Soomaaliya.