Dhowr Shaqsi oo Loosoo Xirey Inay Fududeeyeen Weerarkii Ka Dhacay Xabsiga Dhexe

0
82

Baaritaano ay sameeyeen gudiga baarista weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ayaa loo xiray Ugu yaraan 27 qof inay masuul ka ahaayeen hubkii loo adeegsaday in lagu weeraro xabsiga dhexe ee Xamar horaantii bishaan, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

Guddi ayaa ogaaday in 8 bistoolado, rasaas, iyo bambaanooyin gacanta loo geliyay maxaabiista Al-shabaab ee xabsiga si ay dagaal uga dhex bilaabaan gudaha xabsiga.

Ugu yaraan 12 sarkaal iyo lix rayid ah ayaa la xiray ka dib maalmo baaritaan ay sameeyeen guddi uu magacaabay sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Mahdi Mohamad Guled.

Col. Aadan Xusseen Kulmiye, oo ahaa madixii ilaalada xabsiga iyo ku xigeenkiisii , ayaa shaqada laga eryay weerarka kadib.