Reysulwasaaraha Itoobiya oo Ka Hadley Banaanbaxyo Rabshado Wata oo Ka Dhacay Magalada Adisababa

0
131

Ra’isul Wasaare Abiy oo shacabka kala hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu marka hore ka tacsiyeeyay dilka Fanaan Haacaaluu Hundeessaa oo caan ku ahaa Kicinta dhalinyarada Oromada xiliyada ay jiraan Munaasabadaha iyo Dibad-baxyada.

Sidoo kale Dr. Abiy Axmed ayaa shacab ka careysan dilka Haacaaluu oo banaanbaxyo rabshado wata kawada Caasimadda Itoobiya iyo deegaanka Oromada ugu baaqay is dejiyaan, isla markaana ka war sugaan hay’adaha nabadgalyada oo ku raad-jooga ragii dilka geystay.

Dhinaca kale Hogaamiye ka tirsan Oromada oo mucaarad ku ah dowlada Itoobiya ee Jawar Maxamed ayaa isna shacabka careysan ka dalbaday inay banaanbaxa joojiyaan, una sheegay dadkaas inay socdaan baaritaano oo lagu soo qabanayo ragii hubeysnaa.

Boqolaal dad shacab ah ayaa Maanta Banaanbax rabashado wata ka dhigaya Addis Ababa iyo deegaanka Oromada, waxaana Sawirro laga soo qaaday dadkaas ay yihiin kuwa Careysan oo gubaya taayaro waaweyn, waxaana istaagay isku socodka gaadiika.