Xaliimo Yareey oo Ka Jawaabtey Eedeyntii Uga Timid Qaar ka Mid ah Xisbiyada Dalka Ka Dhisan

0
40

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa ka jawaabtay eedeyn ay usoo jeediyeen qaar kamid ah Xisbiyada, kuwaas oo qaarkood ka dalbaday inay is casisho.

Guddoomiye Xaliimo yareey ayaa sheegtay in aysan aheyn Guddigooda dad dambiile ah oo qaban waayay Shaqadii loo diray, hayeeshee ay horay u soo gudbiyeen in baahi badan oo la xiriirta arrimo doorashada ay jirto.

Waxaa ay sheegtay in weli aan la helin waxyaabihiimii muhiimka u ahaa doorashada,sida Dhaqaalaha,hayeeshee Madasha Xisbiyada laga doonayay inay dhaqaalahaas la baadi goobaan,balse ay jawaab uga dhigeen is casil.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa Maalin ka hor waxaa ay ka hor sheegtay Xildhibaannada Golaha Shacbaka inay Guddigooda u baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho loo qabto.