Qarax Ay Dad Shacab ah Ku Dhinteen oo Maanta Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
54

Qarax jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa maanta ka dhacay Meel u dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku dhow dugsi Sare Banaadir ee Degmada Hodon.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen Afar ruux oo ay kamid yihiin Hooyo iyo Cuug Yar ay dhashay oo saarnaa Mooto Bajaaj uu qaraxa qabsaday halka Saddex kale oo wadada marayay ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray wadada soo gasha halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana sidoo kale goobta laga qaaday dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas.

Qaraxyada noocan oo kale ayaa inta bada badan waxaa ay waxyeelo kasoo gaartaa dad aan loogu talagelin alka ay ka badbadaan kuwii loogu tala galey, Wararka aar ayaa sheegaya in qaraxan lala damacsanaa Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo marayey goobta balse uusan kasoo gaarin wax khasaaro ah.