Ciidamada Maamulka Jubaland iyo Alshabab oo Ku Dagaalamay Deegaano Hoostaga Gobolka Gedo

0
52

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo xalay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Dowladda Goboleedka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sida la sheegay ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Jubbaland ee degmadaasi Ceelwaaq, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan saacad.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Isgaarsiinta degmada Ceelwaaq ay saaka hawada ka maqan tahay, iyada oo taasi aan la ogeyn,waxaana yar wararka laga heli karo dagaalkii Ciidanka Jubaland iyo Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Ceelwaaq.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli dhankooda kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq-balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay faah faahin ka bixiyaan dagaalka ka dhacay degmadaasi Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.