Gudiga Joogtada Golaha Shacabka oo Maanta Ku Kulmaya Xarunta Villa Hargeysa

0
162

Waxaa xarunta guddiyada Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho maanta ku shiraya guddiga joogtada ah ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.

27 Bishaan ayaa lagu waddaa in ay hortaggaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Waxaa sidoo kale laga sugaya dardargalinta howlaha doorashooyinka, maadaama Muddo xileedka baarlamaanka ay ka dhiman tahay 3 bilood.