Beesha Caalamka oo Xukuumada Ugu Baaqdey In Loo Midoobo La Dagaalanka Cudurka Corono Viruska

0
91

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa bayaan kasoo baxay maanta waxay ku ammaaneen mas’uuliyiinta Soomaaliya tallaabooyinka ay qaadeen si loo xakameeyo faafitaanka viruska Covid19, tilaabooyinkaas oo ay ka mid yihiin wacyigelinta, talaabooyinka karantiilnimada, iyo kala fogaanshaha bulsho.

Saaxiibadu waxay xuseen in faafitaanka fayrasku uu yahay caqabad caalami ah isla markaana ay tahay in si wadajir ah loo wajaho. Waxay hoosta ka xariiqeen in xilligan la joogo loo midoobo ka hortagga caqabadan aan horay loo arag.

Beesha caalamka waxay xustay codsi ka yimid guddiga Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta caalamiga ah, waxayna ku dhiirigeliyeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay soo afjaraan khilaafka.

Waxay ugu baaqeen al-Shabaab iyo kooxaha kale inay joojiyaan falalka rabshadaha iyo argaggixisannimada isla markaana ay suurta geliyaan in kaalmadu gaarto dhammaan bulshooyinka baahan.

Waxay sidoo kale ku booriyeen dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah inay dib u bilaabaan iskaashi wax ku ool ah si loo hormariyo muhiimadaha qaran iyo in la iska kaashado sidii loo yareyn lahaa halista viruska.