Alshabab iyo Ciidamada Dowlada oo Ku Dagaalamay Degmada Jowhar

0
97

Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta u ah maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xalay iska horimaad xooggan uu ka dhacay Barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Koox hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay kusoo qaadeen Koontarool ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed, waxaana jira khasaare ka dhashay iska horimaadka labada dhinac.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabab ay soo weerareen Koontorool laga soo galo magaalada Jowhar, hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay iska difaaceen.

Dhinaca Al-shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin iska horimaadka xalay ka dhacay degmada Jowhar oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ay ku dagaalameen labada dhinac.