Resulwasaraha Xukumada Federaalka Somaliya oo Ka Warbixiyey Safarkii uu ku Tegey Magalada Davos ee Dalka Switzerland

0
76

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa faah fahain ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay saraakiisha Bankiga Adduunka, kadib markii magaalada Davos ee dalka Switzerland uu kaga soo qeyb galay shirka Dhaqaalaha Adduunka.

Wuxuu sheegay Khayre shirkan in Soomaaliya uu u lahaa ahmiyad gaar ah, wuxuuna tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, si ay horey ugu sii socoto.

Reysulwasaaraha ayaa sheegey in uu halkaasi kula kulmey madaxda Sanduuqa Lacagta Caalamka ee IMF iyo Bangiga Adduunka isla markaana ay ka wada hadleen sidii dalkeenna deymaha looga cafin lahaa, waxayna qirayn in Soomaaliya ay samaysay tallaabooyinkii loo baahnaa , kuna taaggan tahay jidkii deymaha looga cafin lahaa.” Ayuu yiri R/W khayre

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay madaxdii uu la kulmay in uu la wadaagay halka uu marayo geeddi-socodka nabada ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalkeena iyo dalalka aan saaxibada nahay ee gacan qabtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya.