Gudoomiyaha Gudiga Doorashada oo Sheegtey In todobaadka Dambe Ay Ka Jawaabi Doonaan Hadalka Kasoo Yeerey Golaha Iskaashiga

0
30

Guddoomiyaha Guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaran Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in Todobaadka danbe War ka soo saarayaan go’aanka Maxkamada Sare ay ku joojisay dib u soo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha shacabka.

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in maalinta Axadda kulan ay ku yeelan doonaan xubnaha guddiga magaalada Muqdisho uga jawaabi doonaan go’aanka maxkamada sare, iyada oo dhinaca kale sheegtay in codsi uga yimid guddoonka sare ee Golaha Shacabka looga dalbaday in la dadajiyo dib u doorashada Kuraasta bannaan.

Dhinaca kale Qoraal ka soo baxay golaha iskaashiga dowlad gobolleedyada ayaa looga soo horjeestay go’aanka maxkamada sare ay ku joojisay dib u soo doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka oo muaranbadanni uu ka jiro.

Qodobka 59 aad Farqadihiisa 2aad ayaa dhigaya in haddii xubin ka tirsan Golaha Shacabka uu banneeyo xubinnimada baarlamaanka in booskaa sida ugu dhaqsiyaha badan uu u buuxinayo shaqsigii ku soo xigay doorashadii hore, taasoo marka la eego meesha ka saareysa in mar kale loo tartamo Kuraasta ka bannaan Golaha shacabka.