Dowlada Turkiga iyo Somaliya oo kala Saxiixdey Heshiis Ganacsi

0
34

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohammed Guleed (Khadar) iyo wefdi uu hogaaminaayo oo maalin ka hor gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta heshiis la saxiixday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo dhigiisa dalka turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga ganacsiga labada dowladood, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin labada dowladood ka kala tirsan.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga si Ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia Sidoo kale Turkiga waxay qaadan donaan oo Suuq u yeeli donaan Khayraadka Somalia sida Kaluumaysiga, Beeraha iyo xoolaha.

Turkiga waxay iibsan doonaan oo ay la wareegi doonaan Mooska, Liinta la qalajiyay, Sisinta iyo Kaluunka waxaana heshiiskan kala saxiixday labada Ra’iisal Wasaare ku xigeen ee Soomaaliya iyo Turkiga.