Dhegeyso Gudomiyaha Gobolka Nugaal oo Sheegey In La Joojiyey Isku Socodka Puntland iyo Somaliland

0
67

Waxaa gabi ahaanba la joojiyay isu socodkii u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan gaadiidkii ka tagi jiray Puntland ee aadi jiray Somaliland iyo kuwii ka imaan jiray Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay amarkan inuu ka soo baxay maamulka, wuxuuna tilmaamay in la joojiyay dhaq dhaqaaqii u dhaxeeyay Somaliland iyo Puntland, marka laga reebo gaadiidka ay wataan Masuuliyiinta iyo Ciidamada.

Wuxuu sheegay dadka ka soo jeeda degaanada Somaliland ee ku sugan Puntland in si nabad ah ay ku joogi karaan oo amarkan uu saameyneyn, balse cidii rabta in degaanada Somaliland ay ku laabato ay fasax u tahay.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal