Beesha Hubeer oo Maalintii Shaley Nabadoon Cusub Ku Caleema Saartey Deegaanka Haakow ee Degmada Wanleweyn

0
95

Beesha Hubeer ayaa maalintii shaley Nabadoon Cusub ku Caleemo saaratay deegaanka Haakow ee degmada Wanlaweyn Gobolka Shabeelaha Hoose.

Nabadoon Sheekh Axmed Gaambi ayaana loo Caleemo saaray Nabadoonka Guud ee Beeshaasi Hubeer.

Dhamaan waxgaradka Beesha Hubeer, culumaaudiin, haweenka iyo dhalinyarada ayaa soo dhaweeyay Caleemo saarka Nabadoonka Beesha Hubeer Sheekh Axmed Gaambi oo ay sheegeen in uu isku darsaday Aqoon iyo waayo aragnimo beesha iyo dhamaan bulshada ku nool degmada wanleweyna u horsedi doono waxqabad xasililooni iyo isku duubni waarta.