Alshabab oo Xaley Weerar Mudo Kooban Socdey Kusoo Qaadey Degmada Afgooye

0
65

Dagalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa habeenkii xaley weerar waxa ay ku qaadeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buundo-yar ee degmada Afgooye.

Weerarka ayaa ahaa mid socdey waqti kooban oo labada dhinac ay isku weydaarsadeen rasaas xoogan, taasi oo baqdin gelisay shacabka.

Saraakiisha ammaanka Dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey rag ka tirsan Shabaab in ay weerar soo qaadeen balse Ciidamada Dowladda ay iska difaaceen, maadaama xogta weerarka ay ka war hayeen.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka caawa, maadaama ay tahay xilli habeen ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah ee dagaalka.