Ciidanka Bada ee Dalka Ingiriiska oo La Wareegey Ilaalinta Xeebaha Somaliya

0
51

Dowladda Britain ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalka Soomaaliya.

Munaasabad lagu qabtay Markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee dowlada talyaniga oo ku sugan xeebaha dalka Djibouti ay dowladda Britain kula wareegtay xilkaasi,sida uu ku soo waramayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee dalka Jabuuti Makahiil Rashiid Barre.

Hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa horay u hayay ciidamada badda ee dowladda Talyaniga, iyadoo taliyihii xilkaasi wareejiyay uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ay xeebaha Soomaaliya ka soo qabteen ilaa 6 burcad badeed ah oo ay ka qabteen agagaarka xeebaha Puntland.

6-biloodba mar ayaa hogaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena waxa la wareega mid ka mid ah dowladaha Midowga Yurub ee ay ciidamadu ka joagaan xeebaha Soomaalia.