Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Maanta Booqdo Saldhigyada Ciidamada ee Magalada Baydhaba

0
42

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool ayaa markii ugu horeysay booqday saldhigyo ciidan oo ku yaala magaalada Baydhabo.

Mukhtaar Rooboow ayaa maalmo ka hor si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, iyadoo dadweyne fara badan ay soo dhaeeyeen caleema.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu doonayo in guluf dagaal uu ku qaado Al-Shabaab, waxaana la sheegay in Maamulka Koofur Galbeed kala hadlayo sidii taageero loo siin lahaa maleeshiyaad taageersan oo ku sugan Gobolka Bakool.

Xubno ka tirsan maamulka koonfur galbeed ayaa xaqiijiyey in Mukhtaar Roobow uu kormeero qeybo ka mid ah magaalada oo ay ku jiraan goobo uu isaga codsaday, balse aanay xilligan warbaahinta ka sheegeyn.