kulankii Golaha Amniga Qaranka oo Maanta Ka Furmey magalada Muqdisho

0
63

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir guddoomiyey kulankii Golaha Amniga Qaranka ee maanta ka furmey magalada muqdisho kaasoo oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee qaybta ka ahaa shirkan ayaa iyaguna madaxda qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xogta ku saabsan howlgallada socda ee dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.

Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.

Kulanka ayaa la filayaa in uu socdo mudo seddex maalmood ah ayagoo gabagabada kulanaka laga dhowrayo in ay kasoo baxaan go,aano wax ku ool ah.