Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo Maanta Gaarey Magalada Baydhaba

0
52

Garoonka Diyaradaha Magaalada Baydhabo ayaa barkhanimadii maanta waxaa ka degtay Diyaarad gaar ah oo siday Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo masuuliyiin kale oo la socotay oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed iyo saraakiil Ciidan, waxaana ay ka soo amba baxeen Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Xubnahan Waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka shariif xasan, Maamulka Gobolka, kan degmada, Qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo xubno kale.

Wuxuu sheegay maalmaha soo socda in Roobow uu joogi doona magaalada Baydhabo, isaga oo kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Amniga Xasan Xuseen (Eelaay).

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/ashiid C/laahi Maxamed ayaa oo la hadley warbaahinta ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wixii wada hadal iyo is xog wareysi ah ay noqon doonaan maalinta berri ah wixii ka dambeeya.

Ugu dambeyntii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo meesha kasoo jeediyey hadalo kaftan uu ku jiro, wuxuuna ka mahadceliyay qaabka wanaagsan ee shacabka Baydhabo ay u soo dhaweeyeen.

Mukhtaar-Roobow

Halkan hoose uga dhegeyso mobilkada

Mukhtaar Roobow Mobil