Duliga Daafeet(Wanlaweyn) ku Habsaday yaa ka mas’uul ah?

3
464

Tani waa su’aal taagan xiligan la joogo oo ay isweydiinayaan dadka ku nool degmada Wanlaweyn gobolka Shabeelaha hoose oo maanta la nool dhibaato aan inaba lala ogayn oo ah Isbaarooyin tiro dhaaf ah oo dad iyo duunyaba isugu darey Dhac,Kufsi iyo Dil.

Inta badan Isbaarooyinka dhex daadsan Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ah kuwo sida badan ay yaaliin wadooyinka waaweyn ee gobolka balse tan haatan degmada Wanlaweyn laga soo sheegayo ayaa ah mid Taako kasta ee degmada Gudaheeda iyo Banaankeedaba waran.

Iyadoo sidoo kalena maamulka degmada ee hada jirana uu qayb ka yahay dhibta Isbaaro ee degmada ka jirta.

*Isbaarooyinka iyo cida u taal

Inta badan Isbaarooyinka dhex daadsan gobolka Shabeelaha hoose si gaar ah degmada Wanlaweyn ayaa waxay u yaaliin Saraakiil ka tirsan waxa loogu yeero Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed(Maleeshiyada Beelaha Hawiye),Qabqablayaal hore,Maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan oo kasoo wada jeeda beelaha Hawiye iyo weliba mas’uuliyiin ka tirsan maamulada degmooyinka.

Degmada Wanlaweyn(Daafeed) maanta Bartamaheeda si gaar ah Xarunta Sharikada Nation link waxaa horteeda isbaaro u taal maleeshiyaad kasoo jeeda deegaanka Goobaale waxaana Isbaaradaas soo dhigtay Gudoomiye ku xigeenka Qorsheynta iyo dib u dhiska degmada iyo Abaan duulaha guutada 6 aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Cornel Cabdisalaan oo labadooduba kasoo jeeda beesha Gaal-jecel ayadoo isla Isbaaradaasina uu Saami gaaraya 20% uu ku leeyahay Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn Maxamed Siidoow halka Maleeshiyaadkan Isbaarada maalintii joogana ay habeenkii u dhacaan xaafadaha magaalada iyagoo dadka baarta kana qaata hadba waxay ka helaan sida Dahab,lacag iyo talefoonaba.

Waxaa sidoo kale halka lagu magacaabo Warta Aw-Umuroow Isbaaro u taalaa maleeshiyaad kasoo jeeda bariga magaalada Baladweyne caasimada gobolka Hiiraan Beel ahaana kasoo jeeda beesha halkaasi degta ee Xawaadle waxayna qeyb ka yihiin waxa loogu yeero Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Halka Kontroolka magaalada laga soo galana ay Isbaaro u taal Qawlaysato ku labisan dharka Ciidanka oo isku dhaf ah una badan dhalin laga soo ururiyay deegaanka Miir-tuugo ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo ah deegaanka uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed(Shariif AfGaduud) oo beesha Abgaal ah,Iyadoo dhanka Suuqa hoose ee magaaladuna ay dadka ku dhibaateeyaan lacago baad ahana ay ka qaataan maleeshiyaad Jufo hoose la ah gudoomiyaha degmada Wanlaweyn Maxamed Siidoow.

Sidoo kale goobaha dadka lagu baarto ee Isbaarooyinka yaal ayaa waxaa ka mid ah Jiirada Haakow oo Isbaaro u taal Maleeshiyaad ku heyb ah gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada degmada wanlaweyn,Waxaa iyana jira Qawlaysato ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo qaab qabiil u abaabulan kana amar qaata Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi,Xildhibaan Cabdulqadir Cosoble Cali iyo Taliyaha Booliiska Maamulka Hirshabeele Xasan Dhicisow Xasan oo guud ahaan kasoo wada jeeda deegaanka Masaajidka Cali Gaduud oo dhaca bariga gobolka Shabeelaha dhexe waxay Qawlaysatadan isbaaro u taal deegaanada kala ah Sharey-Eyle,Warmaxan,Garas Bandiiro, Xawaalo Suunlaay,Doon Aw-Suure iyo weliba sedex Isbaaro nooca loo yaqaano soo boodooy dhamaana waxaa lagu dhacaa Shacabka waxaana lagu kufsadaa Haweenka.

Hadaba dhibaatooyinka intaa le’eg ee Isbaaroolaydani u geysanayaan Shacabka kunool degmada wanlaweyn cid wax ka qabata daayoo xitaa waxaan jirin cid ka hadasha amaba u hadasha shacabka dhibtaysan maadaama Maamulka degmada uuba ka yahay Qayb dhibta degmada ka jirta waxaa sidoo kale marag madoonta ah in Odayaasha dhaqanka deegaanka oo iyagu ahaa Marjica loo laabto kolka uu maamulku Khiyaano ummadda ayaa dhankooda laga soo sheegayaa in ay ummaddu ku daawanayaan dhibta ay ku jiraan ayna weliba naftooda u baqayaan halka ururada Bulshada sida Aqoonyahanada,Haweenka Waxgaradka,Ganacsatada iyo Dhalinyaraduna ay yihiin kuwo iyaga isku mashquula.

Si kasta oo ay arimuhu isugu milmaanba waxaa marag madoonta ah in Duliga Daafeet ku habsaday uu yahay mid mas’uuliyadiisa uu qoorta u suran yahay ruux kasta oo ku abtirsada deegaanka degmada Wanlaweyn ka hor kuwa Doolka ah ee deegaanka ku yimid Magacyada macmalka ah ee u horeeyo waxa loogu yeero Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

 

3 COMMENTS

  1. Waa maxay inkartan mise waa been away shanta calemood u qeyla dhamita walalalahiina DM fan hawiiye ku dhufo ka carar ku shaman mise Sakin ayaa soo diray?

  2. Wa ku mahadsan tihiin Daafet Online warbixinta kooban ee aad naga siisen deegankii awkeey daafeet, waxan idiin leyahay Daafeet aad ayad uga gaabisen hadii aad tihiin Daafeet Online. mida isbaaroyinka xad dhaafka ah ee yaala Daafeet waxa masuuliyadeed qaadaya Mamulka Degmada oo uu ugu horeyo Gudomiyaha degmada maxamed Sidow, waxan sida uleyahay hada waxa jira dowlada si walba ay ahataba magaceeda ama sharkeda aya lawataa oo la isticmalaya kama hor imaan kartid adoo beel ah ama shacab ah sida darteed waxan isleyahay hadii wax la idaynayo waxay ku haboon tahay in la eedeyo mamulka wana mahadsan tihiin.

  3. Waxaa masuul ka ah dhibtaas shan caleemood maxaa yeeley dullinimo ayey raali ka noqdeen soomaali maanta nin deegaankiisa ciidan aan u dhalan joogo ma jiro eeda joojiya kaca dad ma tihiin gaaljecel ayaa idiin dhacooyo

Comments are closed.