Reysulwasaaraha Dowlada Federaalka oo Maanta Xafiiskisa Ku Qaabiley Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed

0
83

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmey Madaxweyinii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalku marayo xiligan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Shariif booqashada uu maanta ugu yimid, wuxuna tilmaamay mudane shariif inuu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay mudadii uu xilka hayay, xiligana diyaar u ah inuu wixii tallo ku biiriyo madaxda qaranka.

“Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Kulanka Kheyre iyo Sheekh shariif ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili ay jiraan mucaaradyo badan oo u adeegaya dowlado kale ay dalka gudihiisa ka wadaan sidii ay u ridi lahaayeen dowlada uu kheyre hogaamiyaha ka yahay.