Faallo:Hadaan Shacabka Jawaab laga siin wixii dhacay!

0
102

Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay si aan horey loo arkin u garab istaageen Maamulka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’sulwasaare Khayre kadib dhacdadii Xanuunka badneyd ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan 14 kii bishan Okroobar ee aynu ku jirno.

Dabcan dhacdo aad u xanuun badan sida tan oo kale oo dhibkeedu sameeyay dhamaan ummadda Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa hubaal ah in ay ummaddu ka dhul sugayaan inay wax ka ogaadaan Cida soo ABAABUSHAY QARAXA Cida FULISAY iyo Weliba kuwii GACANTA KA GEYSTAY.

Waan dareemi karnaa dhibta dhacday iyo awooda DOWLADA in aan lays barbar dhigi karin hadana taasi ma noqoneyso QIIL shacabka looga aamuso oo aan loo sheegin waxa dhacay iyo Cida ka danbaysay.

Todobo maalmood oo TACZIYO ah(BAROORDIIQ)Ma waanay DOWLADA Ra’sulwasaare Khayre ku filayn iyadoo aan weliba ognahay in Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay oo kaliya in TACZIYADU ahaato sedex maalmood.

Maxaa khaldan Doraad Arbacadii ayay ahayd xiligii uu Wasiirka Warfaafinta sheegay in AMNIGA Dalka uu ka hadli doono dhacdadan Xanuunka reebtay balse ma dhicin,Khamiis gudigii loo xil saaray gargaarka ayaa iyadoo laka dirin hadana gudi kale laga dhinac dhisay welibana laga reebay Wasiirada Wasaaradihii howshan lahaa,Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiislaha ahaa ayaanu qabsoomin,Madashii loo balansanaa Oktoobar 20keedii ee Madaxda Maamul Goboleedada iyo Dowlada Fedraalka ayaa cidna soo hadal qaadin.

Hadaba maxaa socdoon Shacabku ogayn OOHINTA ORGIGA ka weynee imisa maalmood oo kale ayay u baahan tahay Xukuumada Ra’isulwasaare Kheyre si ay shacabka ugu soo bandhigto waxa dhacay Cida leh mas’uuliyadeed.

Dhegaha SHACABKA SOOMAALIYEED waxay kaa sugayaan Ra’isulwasaare Baaris dhameystiran ka dib inaad uga jawaabtid.

-Yaa ka Mas’uul ahaa QARAXA?.
-Yaa FUDUDEEYAY?
-Xagee laga soo ABAABULAY?
-Yaa gabay howshii AMNIGA?
-Imisaa DHIMATAY?
-Dhaawacuna waa IMISA?
-Inteese dhibaato DHAQAALE iyo Burbur HANTIYADEED kasoo gaartay?
-Maxaadse u QABATEEN?
-Cid loo qabtay ma jirtaa FALKAN?
-Goorma ayaa la maxkamadeyn doonaa?
-Intee in la’eg ayaad maleynaysaa in Hay’adaha AMNIGU ku fashilmeen Adeegii AMNIGA ee loo idmaday?Iyo….iyo….?

Hadii su’aalahan kuwa kasii badan oo Shacabku isweydiinayo aadan ka jawaabin Shacabku waxay qaadan doonaan jawaabaha KUTIRIKUTEENKA ah ee ay fidinayaan Shakhsiyaad leh dano gaar ah,Halkaasina waxaad ku luminaysaa kalsoonidii rajada ku dhisneyd ee Maamulkaaga Shacabku u hayeen.