UNHCR oo Maanta Deeq Gaarsiisey Dadkii Ay Waxyeelada Kasoo Gaartey Qaraxii Isgoyska Zoobe

0
72

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa ku wareejisay Hay’adaha Maxalliga ah ee magaalada Muqdisho Deeq gargaar oo ay ugu tala gashay dadkii ku dhawacmay Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe.

UNHCR ayaa Deeqda ay bixisay waxa ay kala yihiin Cunto, Koronto-dhaliyaha, Alwaaxyada caagagga ah, Qalabka Jikada, Bustayaal yaryar, Saqafyada, kuwaasi oo ay sheegtay in ay ugu tala gashay in ka badan 1,000 Qoys oo ay dhibaatadu saameysey.

Waxay sheegtay UNHCR Deeqdan ay bixisay in ay tahay qeyb ka mid ah dadaalada ballaaran ee ay Qaramada Midoobay ka geysaneyso xalinta xaaladda deg degga ah ee ka jirta Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay Hay’adda in gargaarkan uu si deg deg ah ku yimid, kadib markii Guddiga Maareynta dhibaatooyinka Soomaaliya codsadeen gargaar lagu taageerayo dadka dhibanayaasha u ah Qaraxii Zoobe.