Shacab aad u Badan oo Maanta Ku Tukadey Salaad Janaaso Isgoyskii Qaraxa Ka Dhacay

0
53

Kumanaan dadweynaha reer Muqdisho ah ayaa maanta Salaadii Jicmaha kaddib waxaa ay Janaaso wadareed ku tukadeen baraxada Isgoyska Zoobe Sabtidii 14kii bishan uu ka dhacay qaraxii cuslaa.

Dadkan oo ay hoggaaminayeen Culumaa’udiin ayaa barxadii uu qaraxa ku laayay boqolaalka qof istaagay, waxaa ay u duceeyeen dadkii ku dhintay musiibadaas

Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ahaa Culimadii hoggaminayay ayaa alle uga baryay dadkii ku dhintay masiibadaas in naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxaana qof walba uu u akhrinayay duco gaar ah.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa dhowaan ku baaqday in Salaada jimcaha kaddib la isugu tago goobtii qaraxa, isla markaana loo duceeyay dadkii ku dhintay musiibadaas.