Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo u Mahadceliyey Dowlada Turkiga iyo Shacabkooda

0
93

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga gurmadka deg deg ah oo markiiba ay u fidiyeen dadka ay wax yeellada ka soo gaartay qaraxii 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan uu la qaatay madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka sheegay in dhambaal tacsi ah uu ka sido madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan iyo ra’iisal wasaare Bin Cali Yildirim, isaga oo Yiri’’ Waxa aan halkan u timid si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay.”

Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaagga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegey in tTurkiya shacab iyo dowlad, ay ku mahadsan tihiin sida ay ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa ay noqdeen dalkii ugu horeeyey ee gurmad deg deg ah olasoo gaara.