Dib u xasuuso…Qiilka Habargidir”Ma ku qabso ku qadi maysid Shabeelaha Hoose Baa?” Jul 30, 2013

1
293
Waxa maanta ka taagan gobolka Shabeelaha Daafeet.com waxa soo bandhigtay sheegtayna inuu imaan doono  Jul 30, 201
Qiilka Habargidir”Ma ku qabso ku qadi maysid Shabeelaha Hoose Baa?” Jul 30, 201
Waxaan war badan iyo sheeg-sheegis midna u baahnayn deegaan ahaan halka ay beesha Habargidir ka degto dhulka  Soomaalidu degto ee bariga Afrika oo runtii ku sumadaysan taariikh deegaaneed soo jireen ahaa oo ay Soomaalidu isku taqaanay oo ilaa iyo maanta ay sidaasi ku wada nooshahay.
Waa hubaal in beesha Habargidir ay deegaan ahaan u leedahay dhulka dhaca Koonfuta Bari ee gobolka Mudug si gaar ahna uga bilowda Koonfurta magaala madaxda gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacayo ilaa laga gaaro degmada Matabaan ee dhacda waqooyiGalbeed ee gobolka Hiiraan inkasta oo dhulweynaha u dhexeeya dhulkaan aan sumadaynay ay beesha Habargidir degto ayaa waxaa hadana in la mid ah inta ay Habargidir ka degto goboladaan(Mudug,Galgaduud iyo Hiiraan) ay iyaguna u degaan ah beelo badan oo Soomaaliyeed sida beelaha Marusade,Mariixaan,Laylkase,Dir iyo kuwo kale.
Hadaba waxaa isweydiin leh beesha deegaankeedu sidaa yahay lana wada yaqaano waxa keenay in inta ay kasoo talawdo sedex gobol(Hiiraan,Shabeelaha dhexe iyo Banaadir)ay ku qabsato dadkii Asal ahaan lahaa gobolka Shabeelaha hoose gobolkooda sheegatana in ay ayaduna deegaanka ka mid tahay oo dhulka ay wax ku leedahay misna degan tahay!
Waa cibaara Aduun oo kasii daran oo dibi dhal Saxaafada Aqoon yarida,Hunguriga,Cabsida iyo Indhaxirnaanta garbasaaratay ee Muqdisho ka howlgashana qalinkooda ku been abuurtaan oo waxa ka jira gobolka ku sheegaan dagaal u dhexeeya beelo wada dega gobolka waa yaabe xagee ayay Habargidiri ka degtaa gobolka?.
Ma waanu gobolkani ka koobnayn Sideed degmo oo degmo walibana uu ILLAH ku abuurin dad la yaqaano… Jawaabtu waa ay iska cadahay oo waa HAA.
Bal ila fiiri Akhristaha Sharafta iyo Qiimigaba mudanow shaxdan yar oo aan filaayo in aad uga qanci karto waxa aan qoraayo RUN-nimadooda.
1-Degmada Afgooye iyo reer Afgooye(Sagaalka Gember) Habargidir talow maka qayb tahay?Jawaabtu waa MAYA.
2-Degmada Wanlaweyn(Daafeet) iyo reer Daafeet(Shanta Caleen)Habargidir talow maka qayb tahay?MAYA.
3-Degmada Awdheegle iyo reer Bagadi(Sedex iyo Toban)Habargidir talow maka qayb tahay?MAYA.
4-Degmada Qoryooley iyo reer Qoryooley(Jiido,Gare iyo Biyomaal)Habargidir talow maka qayb tahay?MAYA.
5-Degmada Marka caasimada gobolka iyo reer Markoodka(Biyomaal,Gibilcad,Jareer iyo reer Maanyo)Habargidir talow maka qayb tahay?MAYA.
6-Degmada Baraawe iyo reer Baraawe(Tuni iyo Gibilcad Baraawe)Habargidir talow maka qayb tahay?MAYA.
7-Degmada Kurtunwaareey iyo reer Kurtunwaareey(Jiido,Jareer iyo Jileec)Habargidir talow maka qayb tahay?MAYA.
8-Degmada Sablaale iyo reer Sablaale(Jiido,Iroow iyo Tuni)Habargidir talow maka qayb tahay?MAYA.
Hadaba waa kuwan sideedii degmo iyo dadkii ILLAAH ku abuuray ee talow Habargidir xagay ka degtaa gobolka?
Mise Dhul Beereedkii ay dheceen,Kii ay dadka deegaanka u dhibaateeyeen inay kaga gataan dhulkooda lacago Faalso ahaa,Kii Awoodihii qoriga ee maamuladii Mooryaanta ee beesha Habargidir ku qabsatay gobolka kuna xalaalaysatay Beeraha ee Sigane kasoo bilowday oo Burcad Indhacade lagu soo gabagabeeyay,Barnaamijkii Dilka,Gumaadka iyo Barakicinta, mise Kii Kufsiga iyo Wacelaynta ee IIDA qandaraaska Talyaaniga kaga soo qaatadatay iyo kuwo kasii badan kolkay dadka deegaanka gobolka ay ku sameeyeen Habargidir ma waxay moodeen inay dhulkii iyagu dhaxleen?!!
Waa yaab Aduun ee xaalku ma kii Xamar yaalaybaa oo “Ku qabso ku qadi mayside”Hadii uu kaa yahay xaalka Habargidir waa hubaal in gobolka Shabeelaha hoose aanu ka shaqaynayn hada kana shaqayn doonin mustaqbalka “Ku qabso ku qadi mayside”.
W/Q.Abdiaziz Sh Salah.

1 COMMENT

Comments are closed.