Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Maanta Safar Ugu Ambabaxay Dalka Masar

0
43

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Magaalladda Muqdishu.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kusii socdaan Magaalladda Qaahir ee dalka Masar, kadib markii madaxweynaha casuumaad uu ka helay dhigiisa dalka Masar Abdifitaax al-Sisi.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu casuumaad rasmi ah ka heley dhigiisa madaxweynaha dalka masar, wuxuu lakulmi doonaan madaxweynaha dalkaasi C/fataax Al-sisi, waxaa ku wehliya safarka madaxweynaha xildhibaano iyo wasiiro oo ay kamid yihiin wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada.

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalladda Qaahira ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen wefdiga madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka masar waxaa uu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaalidda ee ku nool magalada Qaahir