Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Kulan la Qaatey Madaxda Hey’adaha Amniga Dalka

0
70

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shir gudoominaaya kulankii uu la qaatey hay’adaha aminiga, ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, xasilinta amniga dalka iyo xoojinta wada shaqeynta laamaha amniga ee wadanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyeyaasha, militiriga, nabad sugidda, booliiska iyo asluubta, waxaana lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya.

Intii kulanka uu socday ayaa waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday sida lagama maarmaan ay u tahay in laga hortago falalka amni darrada ah ee ay wadaan Al Shabaab.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa intii uu kulanka socday waxaa uu dhageystay tallooyinka saraakiisha amniga ay soo jeediyeen ee ku aadan sida loo sugi karo ammaanka, waxaana madaxweyne Farmaajo faray saraakiisha in ay ahmiyadda koowaad siiyaan ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Kulanka ayaa laga soo saaray in la dhiso guddi soo diyaariya qorshaha dowladda ay kula wareegayso amniga dalka, kaas oo loo xil saaray saraakiisha amniga.