Reysulwasaare Kheyre oo Xaley Kulan la Qaatey Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudiga Difaaca Iyo Amniga

0
27

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha Shacabka.

Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoonka iyo Guddiyada Barlamaanka u sharaxay qorsho ku aadan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo xildhibaanno kale oo isla golahaasi ka tirsan ayaa mooshin dhawaan ka keenay shirkii madaxda qaranka iyo maamul gobolleedyada ee ee looga hadlayey amniga iyo siyaasadda.

Guddiga ayaa sheegay in “Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay dastuurka Soomaaliya, gaar ahaan qodobo gaar ah.

Dowaladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii loo dhisi lahaa Ciidamo hanan kara Ammaanka Dalka, si looga maarmo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee hada Dowladda ka caawiya ladagaalanka Alshabaab.