Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carrabta ayaa Markab wada gar-gaar bani’aadanimo usoo dirtay Dekadda Berbera

0
41

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carrabta ayaa Markab wada gar-gaar bani’aadanimo usoo dirtay dekadda Berbera ee ku talla Gobolka Saaxil oo hoostaga maamulka Somaliland.

Markabka ayaa waxaa saaran gar-gaar qiimihiisa lagu sheegay Dh10.3 million oo isugu jira 3,819 tan oo cunta ah, 356 tan oo biya ah, 23 tan oo teendhooyin iyo joodariyaal ah, 51 tan oo ah dhar, bustayaal, agabka caafimaad iyo agab kale oo loogu talagalay carruurta.

Markabka sida gar-gaarka ayaa waxaa uu kusoo xiran doonaa dekadda Berbera ee Somaliland, waxaana loogu talagalay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool Soomaaliya.

Dalka Imaaraadka Carrabta waxaa jimcihii lasoo dhaafay ka bilowday Olole dhaqaale loogu uruurinayay dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay daashadeen.

Ololahaan ayaa waxaa hogaaminayay Madaxa Golaha sare ee Hay’adda Bisha cas ee dalka Imaraadka Carrabta Sheekh Xamdan Bin Zaayid Aala Nahyan iyo ururada kale ee kheeyriga ah ee ka jira imaaradaha kale.