Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Alshabab oo Dagaal Ku Dhexmarey Deegaanka Burdaar ee Gobolka Hiiraan

0
45

Ciidamada Alshabaab iyo ciidamada dowladda Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dagaan ku dhex marey deegaanka Burdaar oo dhaca duleedka magaalladda Baledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dagaalka ayaa bilowday kadib, markii dagaalyahanada Al Shabaab weerar gaadma ah ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidanka Ethiopia oo kasoo tagay Magaalladda Baladweyne.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in la maqlayay rasaas culus iyo madaafiic labada dhinac ay isku adeegsadeen.

Maamulka gobolka Hiiraan wali kama aysan hadlin dagaalka deeganka Burdaar iyo guud ahaanba khasaaraha ka dhashay.