Maxkamada Ciidanka Qaladka Sida oo Xukun Dil Toogasho Ah ka Fuliyey Magalada Baydhabo

0
137

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah afar dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Dhalinyarada la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa Xassan Aadan Mursal, C/ladhiif Macalin Aadan Cabdiraxmaan, Siyaad Xassan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed oo lagu soo eedeeyay in ay ka danbeeyay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Fagaaraha ay toogashada ka dhacday ayaa waxaa joogay gudoomiyaha maxakamada sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal Liibaan Cali Yaroow, gudoomiyaha maxkamada derjada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka maanta lagu fuliyay afarta dhalinyarada ah ayaa imanaya xili maalintii shalay ay gaareen magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta ugu sareysa maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Si kastaba arintu ha ahaatee maamulka koonfur galbeed ayaad moodaa in uusan weli gaarin in uu lahaado maxkamad maamulkiisa u gaar ah taasi oo keentey in xukumada dilka iyo xarigaba looga soo fuliyo magalada muqdisho dhamaan maamulada kale ee ka jira dalka go,aanada maxkamada waxaa gaara maxkamado ayaga ay deegaanadooda ka sameysteen halka kooxda shariifna weli ay ku xiran tahay dowlada dhexe.