Ururka Midowga Yurub oo Ka Digey Abaaraha Ka Jira Dalka Somaliya

0
28

Ururka Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen in Abaarta ka jirta Soomaaliya ka digayaan in ay ka dilaacaan Cudurro dhibaato badan u keeni kara Bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adaha gargaarka ee Midowga Yurub ayaa ka digay in dalka Soomaaliya oo ay haatan ka jiraan abaaro ba’an ay dadku sidoo kale wajahayaan xannuuno ay kamid yihiin daacuunka.

Madaxa gargaarka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mr Johan Heffinck ayaa sheegay in sanadkaan oo keliya la diiwaan geliyay in kabadan 18 kun oo kiis oo cudurka daacuunka ah, Halka sannadkii aynu soo dhaafnay la diiwaan geliyay in kabadan seddex kun oo kiis.

Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool iyo Gedo oo lagu warramayo in qiyaastii 600 oo qof oo qaba xannuunno kala duwan oo abaaraha ka dhashay la seexiyay xarumo caafimaad.