Ra’isulwasaare Kheyre oo maanta Kormeer IguSawir ah ku tagay Xero loo ooday dad Macluulsan.

0
44

Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray deegaanka Garas Baaleey oo hada hoy u ah qaar ka mid ah dad ka soo barakacay abaarta ka jirta gobolada Baay iyo Bakool kuwaasi oo uu dayacay maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in reer Muqdisho mar walba looga baahan yahay inay u gargaaraan dadka kasoo jeeda Baay iyo Bakool kuwaasi oo uu dayacay maamulkooda KoonfurGalbeed oo haatan deegaanadooda ka jira,wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda ay ka gacan siin doonto howshaas samatabixinta ah Gobolka Banaadir maadaama cid kale oo mas’uulayadooda qaada aanay u muuqan.

Dhankiisa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay dadkan macluulsani iyo kuwa jidka ku soo jiraba ay u diyaariyeen Xerooyin lagu xareeyo si ayan u soo galin gudaha caasimada magaalada Muqdisho taasi oo sida uu sheegay hadii ay barakacayaasha soo galaan magaalada ay keeni karto Bilicda magaalada oo hoos u dhacda,Nadaafada iyo Amnigana faraha ka baxaan.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha iyo Isku sawirida dadka macluulsan ee ku sugan deegaanka Garas Baaleeyreer kana soo jeeda Baay iyo Bakool ayaa imaanaysa xili in ka yar 60 Saacadood ay Ra’isulwasaaraha uga harsan tahay mudada uu sharci ahaan u haysto inuu golihiisa cusub ee wasiirada uu horgeeyo Baarlamaanka si ay codka kalsoonida u siiyaan amaba ugu diidaan.

Halka Mas’uuliyiinta dadkan Macluulsan ee ku sugan Garas Baaleeyee kana soo jeeda Baay iyo Bakoolna ay yihiin kuwo ku mashquulsan u kala Dulaalida siyaasiyiinta dadkooda Macluulsan isku sawiraaya si ay caalamka uga tuugsadaan.