Maxkamadda Caddaaladda Caalamka ee ICJ oo Kenya Waqti Ay Kaga Soo Jawaabto Dawcada Badda

0
21

Maxkamadda Caddaaladda Caalamka ee ICJ ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay u qabatay Waqti , islamarkaana laga rabo in ay jawaab ay kasoo bixiso dacwad badeed kala dhaxeeya Soomaaliya.

ICJ ayaa sheegtay 18-ka December 2017ka laga doonaayo dowladda Kenya in ay ka jawaabto Kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ,kasoo Soomaaliya ay gudbisay Sanadkii 2014 tii.

ICJ ayaa sheegtay in ay qaadan doonto go’aan kale hadii aysan Kenya xilligaasi keenin jawaabta laga rabo.

Soomaaliya ay horay ugu guuleystay in dacwadda badda ay qaadi karto Maxkamadda ICJ ka dib markii ay dowladda Kenya ay horistaagtay.