Dhegeyso:Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland oo Yiri Suxufi Coldoon Waa Xagjir Halis Ku Ah Somaliland

0
71

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa markii ugu horeysay Tafaasiil ka bixiyay Xariga Wariye C/maalik Muuse Coldoon.

Wasiir Saxardiid ayaa sheegay in Wariye Coldoon uusan aheyn Saxufi islamarkaana uu yahay Xag jir ku Xad gudbay Qarannimada Somaliland sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu Carabka ku dhuftay in Ciddii ku Xad gudubta Sharuucda Somaliland ay la Xisaabtamayaan.

15-kii Bishaan ayey aheyd Markii Ciidamada Somaliland ay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ay ku xireen Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Saxafiyiinta Caanka ka ah Degaanada Somaliland sidoo kale ka shaqeeya Arrimaha Samafalka.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mobil