Daawo Nabadoon Shariif Maxamed oo Baaq U Direy Xukuumada Federaalka iyo Jaaliyadaha Dibada

0
37

Nabadoon Shariif Maxamed Maxamuud oo ka mid ah nabadoonada beel weynta shanta caleemood ee degmada wanlewey ayaa waxaa uu baaq u direy dhamaan xildhaanada dowlada federaalka iyo kuwa maamulka shariif xasan in ay ka qeyb qaataan dhibaatada uu shuban biyoodka ku hayo degmada.

Baaq kaas la mid ah waxaa uu nabadoonka u direy dhamaan jaaliyada kasoo jeeda deegaan iyo somali weyn meel walba oo ay joogaa iney gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka uu soo ritey cudurkan.

Nabadoonka ayaa intaasi waxaa uu ku darey in maamulka degmada iyo odayaasha ay iska kaashadeen sidii ay u sameyn lahaayeen meelo ay dadka uu shuban biyoodka soo ritey lagu daweeyo hadaladiisana waakan ee nala dhegeysta.