” Beentii Shacabka Loo Sheegayey oo Waali Isku Bedeshey “Somaliland oo Mareykanka Ka Codsatey In Laga Saaro Liiska Dowladaha Loo Diidey Iney Galaan Dalka Mareykanka

0
14

Hadal lala yaabo oo maanta kasoo yeerey maamulka Somaliland ayaa wexey ka codsadeen dawlada Donald Trump ee Mareykanka in laga saaro liiska dalalka Trump uu ku soo rogay xayiraada Socdaalka.

Dhawaan ayaa Donald Trump uu kusoo rogay xayiraad dhanka socdaalada Mareykanka ah dadyowga todobo dal oo dalka Soomaaliya uu kujiro. Somaliland ayaa dalabkaan dooneysa in loo meel mariyo maadaama ay aaminsan tahay xukuumadeedu inay gaar ka tahay inta kale ee Soomaaliya.

Bayaan uu soo saaray wasiirka Somaliland u qaabilsan amuuraha dibada Sacad Cali Shire ayaa lagu xusay in Isniintii dawlada Somaliland ay warqad u qortay dawlada Mareykanka taasoo ay ku codsatay in xayiraada dadkeeda laga badbaadiyo.

Waxay xukuumada Somaliland ku andacootay oo warqadaa ay ku dhigtay in Somaliland aysan ka jirin ururo sida al-Shabaab oo kale ah balse al-Shabaab uu yahay urur ka dagaalama Soomaaliya.

Si kastaba arintu ha ahaatee Somaliland ayaa beentii ay ku heysay shacabkeeda oo aheyd in ay ka godey somaliya 1991 ayna tahay dowlad gaar ah walow aysan jirin dunida meel laga ictaraafsan yahay dunida ayna heli doonin mustaqbalka soo socda balse ay tahay riyo shacabka lagu marin habaabinaayo aanta ula soo talowdey in ay mareykanka ku tiraahdo anaga somali ma nihine liiska naga saar.