Ciidamo Beeleedyo Ku Labisan Dareyska Dowlada oo Howlgalo Maanta Ka Wada Degmada afgooye

0
30

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya ciidamo beeleedyo ku labisan dareyska dowlada ay halkaasi ka bilaabeen sida la sheegey howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena lagu baadigoobaayo xubno Shabaab ka tirsan.

Xaafadaha Degmada Afgooye oo howlgalka ka socda, ayaa waxaa la sheegayaa inuu hakiyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka, waxaana ciidamada ay baarayaan lix Xaafadood oo ka mid ah Xaafadaha Degmada Afgooye.

Ciidamada howlgalka wada oo dad badan soo qabtay ayaa weli ku guda jira howlgalka ammaanka la xiriira ee ka socda Magaalada Afgooye, iyadoo Saraakiisha ammaanka ay sheegeen inay faah-faahin ka bixin doonaan howlgalka marka uu soo dhamaado.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa shalay Magaalada Afgooye waxa ay geysay ciidamo badan oo qaybaha kala duwan ee Dowladda isugu jira si ay u xaqiijiyaan ammaanka Degmadaasi.

Si kastaba arintu ha ahaatee degmada afgooye ayaa meel ay ku dagaalamaan u noqotey sanadadan ciidamo beeleedyo wata dareyska dowlada oo dhib aan dhamaad laheyn ku haya shacabka degmada afgooye iyo maleeshiyaadka alshabab taasi oo ilaa iyo hada xukuumada aysan xal waara u helin sidii shabackaasi ay ku heli lahaayeen degenaan