Meydad iyo Dhaawac aad u Badan oo Laga Keeney Degmada Afgooye oo Maanta la Gaarsiiyey Cisbitaal Madiina

0
22

Isbitaalka Madiina ee Muqdisho ayaa maanta lasoo gaarsiiyay maydadka ugu yaraan 8 Ruux iyo dhaawac tobaneeyo kor u dhaafey, kuwaas oo laga soo qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose.

Agaasimaha Caafimaadka ee Isbitaalka Madiina, Duniyo Cali Maxamed oo la Hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dhaawacyad lasoo gaarsiiyay ay xaaladooda caafimaad oo hagaagayso.

Sidoo kale, waxay sheegtay in Qaar ka mid ah maydadka lagu hayo qayb Isbitaalka ee inta badan la dhigo maydadka inta looga imaanayo, maydad kale oo la aqoonsadayna la Aasay.

Degmada Afgooye oo uu shalay dagaal culus ka dhacay ayaa maanta daggan, iyadoo ciidammo beeleedyo ku labisan dareysaka dowlada maanta la gaarsiiyey degmada, iyadoo Al-shabaab ay ku sugan yihiin weli dulleedka Degmada, lagana baqdin qabo inay dagaallo kale dhacaan.