Madaxweynihii Hore ee Somaliya Sh. Shariif Sheekh Axmed oo Magalada Muqdihso Soo Gaarey

0
33

Madaxweynihii hore ee Somalia, Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta soo gaaray magalada Muqdisho, iyadoo Waddada gasha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga xiray taageerayaashiisa.

Dadweyne badan oo taageerayaashiisa ah ayaa lagu arkayay waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska lambar afar ee Muqdisho, halkaasoo ay buuxiyeen, iyadoo waddada lagu xiray gaadiidka ciidanka booliiska Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in Sh. Shariif uu Muqdisho kaga dhawaaqo inuu murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ku biiro, kuwaasoo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa imaashihiisa ay kusoo beegmayso dhawr maalmood kaddib lagu wado inay dalka ka billowdaan doorashooyin.sh-axm

sh-ax

shariif-axmed