Afhayeenka Alshabab oo Kaga Digey Shacabka Somaliyeed Iney Ka Qeyb Qaataan Doorashooyinka

0
38

Ururka Al-Shabaab ayaa digniin adag ka soo saartay doorashada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaban-qaabinayso magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wareysi siiyey warbaahinta kooxdaas taageerta ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka Dadban iyo go’aanka uga degsan kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka inaysan noqon jaranjaro lagu fuulo meesha la rabo ka dibna la iska tuuro sidii buu yiri horay u dhacday xilligii ay gabegabada maraysay dowladdii uu madaxda ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Afhayeenka ayaa ka hadlay nidaamka Federaalka oo uu sheegay inuu yahay qorshe ujeedka laga leeyahay ay tahay kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay sii kala geeyeen maamuladii ay iyagu dhiseen, kuwaasoo uu xusay in looga taliyo Addis Ababa iyo Nairobi.

Sheekh Cali Dheere ayaa ciidamada Xarakada Al Shabaab ku booriyay in ay weeraro ku qaadaan goobaha lagu qabanayo doorashooyinka dadban ee Dowladda Federaalka wado isla markaana ay beegsadaan kuwa qaban-qaabinaya.