Dilka Goobaale Su’aalo badan oo aan Jawaab loohayn.

0
71

Waxaa maalin-nimadii shalay lagu dilay magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya Taliyahii guutada Saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay gobolka Shabeelaha hoose Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaaney Goobaale,

Dilka Goobaale ayaa waxaa sheegtay Xarakada Shabaab iyadoo sheegashadaasina ay qoyska Goobaale dareen badan iyo diidmaba ay ka muujinayaan,Qoyska Goobaale ayaa qaba in dilkan oo ahaa mid Siyaasadeed isla markaana laga soo maleegay xarunta dalka looga arimiyo.

Fikirkan ay qabaan Qoyska iyo Taageerayaasha Goobaale ayaa sal u ah ismaan dhaafka siyaasadeed ee haatan ka jira gudaha dalka iyo weliba doorashada loo dareerayo maalmaha soosocda iyagoo ku doodaya inuu Goobaale maalmihii lasoo dhaafay uu si aad ah uu mashquul ugu ahaa diyaarinta ciidan gaaraya ilaa 360 askari oo gaar ka qabta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Inkasta oo doodani tahay mid kasii hordhacayso baaritaan la sheegay in lagu sameyn doono dhacdada ayaa waxaa hadana moodaa in is ugaarsiga Muqdisho ka jiraa uu yahay mid suura gelin kara isla markaana rumayn kara aragtida ay qabaan Qoyska iyo Saaxiibada dhow ee Goobaale.

Dhacdadan shakiga badan xunbaarsan ee lagu dilay Goobaale ayaa waxay feejignaan dheeri ah iyo kala shaki xoogan ka dhex abuurtay dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed si gaar ah kuwa reer Muqdish.

Dhacdo lala xiriirinayo dhacdadaan lagu dilay Goobaale ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Coll. Cabdullaahi Sabriye Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka isla markaana ay saaxiibo dhow ahaayeen Goobaale inkasta oo ilaa iyo maanta aan cidi sheegan dilkan danbe hadana qaabka loo dilay ayaa ah hab inta badan Shabaabku sheegtaan.

Kuma cusba magaalada Muqdisho in Dilalka,Qaraxyada iyo weerarada tooska ahba ay Shabaabku sheegtaan Madaxda Dowlada Soomaaliyana lagu tuhmo inay ayagu ka danbeeyaan hadalkuna uu ku soo koobmo waa la baarayaa oo waxaa la keeni doonaa Maxkamada dhagar qabayaashii falkaasi geystay.