Ganacsade Maxamed Suufi Aba Sheekh oo Dhaqaale Ugu Deeqey Gudiga Dhismaha Cisbitaalka Deegaanka Aw Cusmaan

0
35

Gudiga dhismaha Cisbitaalka Haweenka iyo Dhalaanka ee laga hirgelinaayey deegaanka Aw Cusmaan ee Degmada Wanlweyn ayaa mahad balaaran u jeediyeen hormuudka ganacsatada reer Atlanta Georgia ee dalka Mareykanka Ganacsade Maxamed Suufi Aba Sheekh oo kaalmo lacageed ugu deeqey dhismaha Cisbitaalka Haweenka iyo Dhalaanka ee Deegaanka Aw Cusmaan Degmada Wanleweyn.

Ganacsade Maxamed Suufi Aba Sheekh ayaa deeq lacageed oo gaareysa 500 oo dollar waxaa uu gaarsiiyey gudiga dhismaha cisbitaalka haweenka iyo dhalaanka ee deegaanka Aw Cusmaan ee degmada wanle weyn.

Talaabadan uu qaadan Ganacsade Maxamed Suufi Aba Sheekh ayaa gudiga waxaa ay ku tilmaameen mid ku dayasho mudan isla mar ahaantaasina waxaa ay ugu baaqeen dhamaan qurba joogta somaliyeed iyo ganacsatadaba in ay ka qeyb qaataan howsha qeyriga ah. Ee ka socda gudaha dalka.

Maxamed Suufi Aba Sheekh maha markii ugu horeysey ee uu ka qeyb qaato howlaha qeyriga ah ee ka socda gudaha dalka somaliya iyo dalka dibabadiisa.