Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Salaada Ciid Shacab Badan Kula Tukadey Masjidka Isbaheysiga Islaamka

0
84

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa Boqollaal Dadweyne ah Salaadda Ciidul-Adxa kula Tukaday Masaajidka isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho.

Waxaa Salaadda ciidda kasoo qayb-galay guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan golayaasha Dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah Madaxweyniyaasha Maamul-goboleedyada dalka.

Xasan Sheekh ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uu hambalyeeyay Ciidul-Adxa oo maalintii koowaad ay billaabatay maanta oo Isniin ah, isagoo xusay in loo baahan yahay in qof walba uu ka qayb-qaato dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan ayaa sheegay inay dhallinyaradu ka waantoobaan dadka caadeystay inay ummadda rajo la’aan dhigaan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in qofka aan wax wanaagsan ummadda u sheegeyn uu aamuska door-bido.