Ururka Somali Siman oo Xaley Barnaamij Aad U Xiiso Badan Ku Qabtey Magalada Virginia ee Dalka Mareykanka

0
66

Kulankan oo ay soo abaabuleen ururka Somali Siman oo ah urur u ololeeya arrimaha Bulshada kana dhacay gobolka Virginia ee Mareykanka ayaa waxaa ka soo qeybglay qeybaha bulshada, Siyaasiyiin iyo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, Axmed Cise Cawad.

Ahmiyadda kulankan ayaa diirada lagu saaray in bulshada laga wacyi galiyo sidii bulshada looga ciribtiri lahaa arimaha kala sareysiinta, Quursiga iyo liidida oo qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed lagu hayo.

Prof. Cabdi M.Kusoow oo ah aas aasaha Somali Siman ayaa aad ugu dheeraaday halka ay hiigsanayaan iyo waxa Somali siman u taagan yihiin, isaga oo ka digay cawaaqib xumo bulsho in ay ka dhalan karto Bulshada la fuquuqo iyo in aysan jiri doonin bulsho Wanaag iyo Nabad ku wada Nool inta qeyb ka mid ah Bulshadaasi ay dhibanayaal yihiin.

Waxaa kaloo uu xusay in loo baahan yahay in arintaan loo qaato si dhab ah iyada oo la joogo xiligii la heli lahaa Umad ka siman Nolosha, Caafimaadka, Waxbarashada, Amniga, Shaqada, iyo is dhexgalka Bulshada, taas oo horseedi doonta Soomaaliya quruxbadan.

Dr.Abukar Carmaan oo ah aqoonyahan siyaasi ah ayaa dhankiisa aad ugu dheeraaday Ahmiyada ay leedahay in loo hiiliyo ama la is garab taago qof dulman taas oo diin iyo dhaqanba lagu amaanay.

Dr. Rashiid oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay meesha ayaa ka sheekeeyay marxalada ay ku sugan yihiin dad badna oo Soomaali ah oo ku nool gudaha Soomaaliya kuwaas oo aaminsan in ay ka liitaan dadka kale taas oo sababtay in ay gaari waayeen Yoolka noloshooda, isla markaana aysan si furna u dhexgali karin bulshada inteeda kale, sida Guurka, Siyaasada, dhaqanka, iyo fursadaha kale oo aan badanaa loo ogolaan.

siman

siman1