Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Albaabka Hore ee Madaxtooyada Dowlwda Federaalka

0
30

Wararka inaga soo gaaraya agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow Qarax aad u culus lagu weeraray albabka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay.

Wararka ayaa sheegaya in Gaarigan oo noociisa weli aanan la ogaanin, balse aad u miineysnaa lagu dhuftay Koontaroolka Koowaad ee laga galo Madaxtooyada Somaliya, halkaasi oo ah meel wadada laamiga dhinaceeda saaran.

Waxaa sidoo kale bur bur xoogan soo gaaray Hotelka Siyaad iyo Hotelka SYL oo ka agdhaw Madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana ah goobta Qaraxa uu ka dhacay.

Si kastaba arintu ha ahaatee qaraxyada ay maleegayaan kooxaha alshaba ayaan in mudo ahba dowlada aysan xal u heyn noocuu doonaba ha ahaadee,