Gudoomiyaha Degmada Baardheere oo Ku Dhaawacmey Weerar Bam Gacmeed Ah

0
32

Gudoomiyaha degmada Baardheere C/laahi Nuur Xasan (Cadoow) iyo xubno ka tirsan maamulka degmada oo xalay qarax bambaano lagula eegtay bartamaha magaalada Baardheere ayaa saaka dhaawacyadooda loo qaaday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Weerarkan bambaano ayaa gudoomiyaha iyo xubnihii la socday lagula eegtay wadada boosteejo Saakoow, gaar ahaan nawaaxiga masjidka Cali Bin Cali, ayadoo gudoomiyaha iyo xubnihii la socday ay xilligaasi sameeynayeen kormeer ay ugu kuurgalayeen amniga degmada.

Weerarka ayaa waxaa ay dhaawacyo kasoo gaareen Gudoomiyaha degmada Baardheere C/laahi Nuur Xasan (Cadoow), Taliyaha amniga Xuseen Muxumed Xasan, Taliye kuxigeenka Nabadsugidda degmada Max’ed Aamusane, Xoghayaha dowladda Hoose Shariif Saxardiid Shariif Aadan, ayadoo dhaawacyadu la sheegay in ay yihiin kuwo fudud islamarkaana uu firir ka dhashay qaraxa bambaanada uu saameeyay dhammaan masuuliyiintani.
Ciidamada ammaanka degmada Baardheere ayaa aagga uu weerarka ka dhacay ka sameeyay howlgallo, kuwaasoo ay kusoo qabqabteen dad la tuhunsanyahay in ay weerarka ku lug lahaayeen.