In Ka Badan 2340 Askari oo Loosoo Qabtey Afgambigii Dhicisoobey ee Xalay ka Dhacay Dalka Turkiga

0
34

Ugu yaraan 140-qof ayaa ku dhintay, illaa 1300 Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen Af-gambigii dhicisoobay ee xalay ka dhacay dalka Turkiga, kaasoo Qorshihiisu ahaa in xukunka looga tuuro Xukuumadda dalkaas ee uu hoggaamiyo Recep Tayyip Erdogan.

Ciidamadii Af-gambiga fuliyay qaarkood ayaa la arkayay iyagoo isku dhiibaya ciidanka xukuumadda Ankara, waxaana sidoo kale waddooyinka ugu muhiimsan caasimadda dalkaas ee Ankara iyo weliba magaalada Istanbul iyagana ku sugnaa shacab fara badan oo is-hor-taagaya Taangiyada iyo gadiidka kale ee ay wateen ciidamada afgambiga fulinayay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliyihii Millateriga Turkiga Jeneraal Hulusi Akar oo ay ciidamada afgambiga sameeyay afduub ahaan u haysteen ayaa hawl-gal gaar ah oo ay Diyaaradaha Dagaalku ka fuliyeen Magaalada Ankara lagu soo furtay, sida ay baahinayaan Warbaahinta Turkiga.

Sidoo kale, Saraakiil Millateri oo tiradoodu tahay 2300 – ayaa loo xiray Af-gambigaan dhicisoobay, iyadoo Madaxweynaha Dalkaas uu ku Hanjabay Saakay in ciidamadii ka dambeeyay Afgambiga ay muteysan doonaan ciqaab adag.

turky